Skip to content
← Journal

Skills & Careers

Xirfadaha waligood cagaaran

Lix xirfadood oo baahidoodu aysan dhammaanayn: video editing, muuqaal duubis, tiknoolajiyad, saxiix kuu gaar ah, luuqado iyo dabci dadnimo.

Kamil Ahmed · 3 min read

The word SKILLS surrounded by glowing technology icons

1. Video editing

Waxay sii ahaan doontaa mid baahideedu sii siyaado, si kasta oo AI usoo baxo waad u baahnaan doontaa Video Editor gacantiisu naxwe sameyn karto.

After Effect haddii aad taqaano, isku day inaad Blender ku darto, shaqooyinku iyagaa kusoo raadsan, adigu ma raadsan doontid. (Algorithmkana waa kula shaqayn doonaa, oo content-kaagu waa faafi si dhibyar, haddii aad kuwan ku shaqayso.)

2. Muuqaal duube (Videographer)

Ina aadame intii uu noolaa maalin walba wax buu gadayaa, muuqaal duubistu waxay fursad kuu siineysaa ninka siyaasad gadaya (madaxwayne ilaa shaqaale hoosaad), ninka ganacsi yar xayaysiis u sameysanaya (laga bilaabo ganacsiyada yar yar ilaa kuwa tunka wayn), iyaguna waligood sheekooyin ayumbay midba si u gadayaan. Marka baro muuqaal duubista, dhinaca duubista (angles).

Lahaw indho feejigan oo duuba muuqaalada sheekooyinka leh. Haddii aad siyaasi la shaqaynayso waxaad u baahan tahay inaad fahanto siyaasigu sawirada uu rabo: wuxuu rabaa wax walba oo aadame caadi ah u ekaysiinaya, wuxuu rabaa inaad sawir ka qaado goorta uu nac-naca siinayo ilmaha yar ee uu jidka ku arko.

Wuxuu rabaa goorta uu qoslayo, goorta gacaltooyo iyo jacayl loo muujinayo inay baahdo.

Ganacsiguna wuxuu gadayaa sheeko, dhibaato jirta inuu xal u yahay. Isku day inaad xalka ganacsigaasi bulshada u yahay marba si hal abuur leh dhinac ugaga timaad.

3. Tech Expert

Aduunkan doorkan halkan buu darinta dhigtey, halkan loxoska lagu yahay. Inaad wax uun ka gasho wax wayn bay ku taraysaa, gaar ahaan aduunka AI-ga oo aan dib u noqosho lahayn baa lagu jiraa. Isku day inaad ka cosobsato laamihiisa kala duwan.

4. Saxiix kuu gaar ah

Ama wax gaar ah oo saxiix kuu ah oo lagugu xasuusto dhis, sida codeynta, copywriting-ka, lighting-ka iyo wixii lamid ah.

5. Luuqadaha

English, Arabic, Spanish ama Chinese, midkii kuu fudud mid ku faro adeyg. Waxbadan ayay kaa caawin doonaan, sida inaad heshid xogo kala duwan, inaad AI iyo Tech ku isticmaasho, iyo inay haystaan dad tiro badan oo ku hadla ama isticmaala, taasoo iyana fursad ah.

6. Dabci dadnimo

Ugu dambeyn isku day inaad lahaato dabci dadnimo, mid bulsheed, mid akhlaaqeed iyo mid aaminino.

Isku day inaadan dadka ceebtooda sheegisteeda ku deg-degin, amaanta aan loo meel dayina ka fiirso, si dhex dhexaad ah oo aan wax badan kaagaga soo noqoneyn ku dadaal.